Muqdisho, 13 May 2025 – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goordhow si rasmi ah uga furmay shirweynaha urur siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka, kaas oo si weyn loogu sugayay, iyadoo lagu casuumay madax sare oo heer qaran iyo heer gobol ah, siyaasiyiin caan ah, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Shirweynahan ayaa ah mid xambaarsan muhiimad siyaasadeed oo heer qaran ah, iyadoo lagu guda jiro is-diiwaangelinta ururrada siyaasadeed iyo diyaar-garowga doorashooyinka soo socda ee dalka.
Wararka laga helayo shirkan ayaa sheegaya in Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka uu helay taageero ballaaran, kaddib markii ay si rasmi ah ugu biireen madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada kala ah:
• Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed
• Cali Cabdullaahi Guudlaawe – Madaxweynaha Hirshabeelle
• Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) – Madaxweynaha Galmudug
• Cabdulqaadir Firdhiye – Madaxweynaha SSC-Khaatumo
Isbahaysigan siyaasadeed ee cusub ayaa sii xoojinaya awoodda iyo miisaanka xisbiga, waxaana la rumeysan yahay inuu noqon karo mid saameyn muuqata ku yeesha siyaasadda Soomaaliya sanadaha soo socda.
Sidoo kale, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in shirkan lagu shaacin doono in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu yahay musharraxa rasmiga ah ee xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee doorashada madaxtinimada ee soo socota.
Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa mabaadi’da xisbiga, aragtidiisa siyaasadeed, iyo doorka uu xisbiga ka qaadan doono hannaanka dowlad-dhiska iyo mideynta ummadda Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale la filayaa in la soo saaro bayaan siyaasadeed oo rasmi ah marka uu shirku soo xirmo.
