Wasiirka Gaashaandhigga oo Daahfuray Tababar Warbaahineed oo Lagu Xoojinayo Qorshaha Difaaca Qaranka

0
33

Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray xarunta warbaahinta ee Wasaaradda Gaashaandhigga tababar muhiim ah oo lagu xoojinayo qorshaha isuduwidda iyo gudbinta fariimaha warbaahineed ee la xiriira amniga iyo difaaca dalka.

Tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa ka qeybgalaya howlwadeennada warbaahinta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo Wasaaradda, waxaana bixinaya khubaro ku xeel dheer warbaahinta iyo isgaarsiinta amniga.

Ujeeddooyinka tababarka waxaa ka mid ah:

• Mideynta fariimaha dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

• Dhisidda kalsoonida shacabka ee laamaha amniga

• Wacyigelinta bulshada ee la xiriirta la dagaallanka fikirka xagjirka ah

Wasiir Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la helo cudud warbaahineed oo mideysan oo ka hawlgasha gudbinta fariimaha saxda ah ee la xiriira howlgallada difaaca dalka. Waxa uu tilmaamay in warbaahinta Wasaaradda ay kaalin weyn ka qaadan karto dhiirrigelinta taageerada shacabka iyo iftiiminta guulaha laga gaarayo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta.

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa sheegay in la hiigsanayo in xarunta warbaahinta ee Wasaaradda Gaashaandhigga ay noqoto ilo-wareed lagu kalsoonaan karo, oo caalami ah, lagana helo xogaha rasmiga ah ee ku saabsan amniga iyo difaaca Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale xusay in tababarkan uu sare u qaadi doono isku xirnaanta howlwadeennada, isagoo dhiirrigeliyay iskaashi joogto ah oo u dhexeeya ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here