“DFS oo Dib-u-eegis Ku Sameyneysa Siyaasadda Batroolka si Loogu Dhiirrigeliyo Maalgashiga Caalamiga ah”

0
17

NAIROBI, KENYA – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Xaashi Carabey, ayaa ka qeyb galay kulamo muhiim ah oo dib-u-eegis lagu sameynayey Barnaamijka IMF-ECF, kuwaas oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira dib-u-eegista iyo hagaajinta nidaamyada lagu maamulo kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. Qodobbada si gaar ah looga dooday waxaa ka mid ahaa:

• Dib-u-eegista xeerarka sharciga batroolka,

• Hagaajinta moodellada heshiisyada PSA,

• Iyo habraacyada wareegyada bixinta shatiga batroolka.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in la helo hannaan sharciyeed oo hufan oo kor u qaada maalgashiga dalka, lagana miro dhaliyo horumar waara oo ku saleysan kheyraadka dabiiciga ah.

Wasaaraddu waxay sidoo kale tilmaantay in wadashaqeynta kala dhaxeysa hay’adaha caalamiga ah ee dhaqaalaha ay tahay mid muhiim u ah xoojinta isla xisaabtanka iyo kor u qaadista maamul wanaagga kheyraadka dalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here