SIYAASADDA IYO SAAMEYNTA ROOBABKA MUQDISHO: Wasiir Jaamac Vs C/raxmaan C/shakuur

0
87
{"source_type":"vicut","tiktok_developers_3p_anchor_params":"{"client_key":"aw889s25wozf8s7e","source_type":"vicut","capability_name":"retouch_edit_tool","picture_template_id":""}","pictureId":"4652CF03-80EF-4451-A9D2-4F6F2749DBEE","exportType":"image_export","data":{},"editType":"image_edit"}

Mogadishu, May 10, 2025 – Saameynta roobabkii culus ee ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa u gudubtay dhinaca siyaasadda, iyadoo hadallo is khilaafsan ay kasoo yeereen mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka, C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa sheegay in musiibooyinka dabiiciga ah aysan ahayn arrin Soomaaliya oo kaliya ku kooban, balse ay jiraan dalal dhaqaale ahaan iyo awood ahaan ka horreeya Soomaaliya kuwaas oo ku fashilma la tacaalidda roobabka iyo masiibooyinka kale ee lama filaanka ah.

“Musiibooyinka rabaaniga ah meel walbey ka dhacaan, dalal naga dhaqaale iyo awood badan ayaa ku fashilma la tacaalidooda,” ayuu yiri Wasiirka.

Dhankiisa, Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame, oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa si toos ah ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda in uu wax ka qabto xaaladda magaalada Muqdisho, isagoo ka hadlay dareenka iyo baahida shacabka.

“Qof iyo cod hanoo danbeeyee, Madaxweynow magaaladaan wax ka qabta,” ayuu yiri Xildhibaanku.

Hadalladan is khilaafsan ayaa imaanaya iyadoo Muqdisho ay weli la tacaaleyso daadadkii roobabka keenay iyo burburka ka dhashay, taasoo muujineysa in saameynta musiibada aysan ahayn kaliya mid bulsho balse ay leedahay mid siyaasadeed oo ballaaran.

RNN Somali TV ayaa sii wadaysa dabagalka xaaladda, iyadoo wararka iyo falanqaynta siyaasadeedba la socon doonto.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here