War Degdeg ah: Doon Siday Raashin iyo Agabyo Kale oo Ku Gubatay Dekedda Boosaaso

0
139
Screenshot

Boosaaso – May 10, 2025: Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in doon siday raashin iyo agabyo kala duwan ay hadda ku gubanayso gudaha dekedda magaaladaas.

Goobjoogayaal ku sugan dekedda Boosaaso ayaa xaqiijiyay in dab xooggan uu qabsaday doonta xilli la sheegayay in la dejinayay shixnaddii ay waday. Weli lama oga sababta rasmiga ah ee keentay dabka, hase yeeshee wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in uu ka dhashay cilad koronto ama hawlgal aan taxaddar lahayn.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada dab-damiska iyo shaqaalaha dekedda ay ku hawlan yihiin daminta dabka, iyadoo ay weli jiraan cabsi laga qabo in uu sii faafo.

Weli lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dhacdadan, balse waxaa jirta cabsi laga qabo khasaare hantiyeed oo baaxad leh maadaama doontu waday raashin iyo agabyo muhiim ah.

RNN Somali TV waxay si dhow ula socotaa xaaladda, wixii faahfaahin ahna kala soco wararkeena dambe.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here