DR. C/raxmaan Baadiyow oo Fariin Muhiim ah u Diray Siyaasiyiinta Ku Hawlan Dhismaha Xisbiyada Siyaasadda

0
113

Muqdisho – Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow, oo ka mid ah aqoonyahannada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sida qotada dheer u bartay taariikhda dalka, ayaa fariin muhiim ah u diray siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku howlan dhismaha xisbiyada siyaasadeed.

Dr. Baadiyow ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in ay si qoto dheer u akhriyaan taariikhda xisbiyadii hore ee dalka, gaar ahaan Xisbiga SYL iyo Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS), si ay uga fogaadaan khaladaadkii hore iyo in aysan dalka dib ugu celin marxalado mugdi ah.

1. Xisbiga SYL:

Dr. Baadiyow wuxuu xusay in Xisbiga SYL uu ku bilowday gobannimo-doon, si qaranimo loo helo, balse uu ugu dambeyn isu beddelay hal-xisbi oo kali ah oo talada dalka gacanta ku dhigtay, xisbiyadii kalena burburiyay. Waxaa taas ka dhashay inqilaabkii militariga ee 1969, iyadoo Abdirizak Xaaji Xuseen uu ahaa qofkii keliya ee si cad u mucaaraday is-beddelkaas.

2. Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS):

Dr. Baadiyow wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in la fahmo sida XHKS lagu dhisay, waxa uu horseeday, iyo halka uu ku dambeyay. Xisbigani wuxuu dalka ka dhigay mid aan lahayn nidaam xisbiyo badan ah, taasoo keentay kaligood-talisnimo, burbur siyaasadeed iyo ugu dambeyn dowlad la’aan.

Dr. Baadiyow wuxuu ku booriyay dhallinyarada iyo siyaasiyiinta cusub in aysan ku mashquulin magaca kaliya ee xisbi, balse ay fahmaan sida xisbiga u shaqeynayo, saldhiggiisa bulshada iyo doorkiisa qaran, isagoo tilmaamay in haddii taariikhda la dhayalsado, mar labaad lagu dhici karo khaladaadkii hore.

– RNN Somali TV

Qaybta Falanqeynta Siyaasadda & Taariikhda Qaranka

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here