Villa Somalia Oo Ku Dhawaaqday In Jubbaland Cusub La Dhisayo – Khilaafkii 2013 Oo Soo Laabtay

0
193

Mogadishu – Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Villa Somalia ayaa shaaca ka qaaday qorshe ay ku dhiseyso dawlad-goboleed cusub oo lagu beddelayo maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Sida ay wararka sheegayaan, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa loo xilsaaray fulinta qorshahan, taas oo muujinaysa in Villa Somalia ay wali ku mashquulsan tahay siyaasadihii muranka badan dhaliyay ee horey loogu daalay.

Arrintan ayaa dib u soo celinaysa xusuustii sanaddii 2013, xilligii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kale ku adkeystay in Jubbaland aysan sharci ahayn, isagoo diiday in uu aqoonsado maamulkii markaa la doortay. Tallaabada cusub ayaa loo arkaa mid ah sii socoshada murankii hore ee siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Somalia iyo Axmed Madoobe.

Qorshaha Dagaal Iyo Dhismaha Maamul Cusub

Ka hor intii uusan billowdin dagaalkii Raskambooni ee dhowaan dhacay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu si rasmi ah ugu wargeliyay wakiillo ka socday beesha caalamka in uu qorsheynayo dagaal ka dhan ah Jubbaland, isla markaana uu dhisayo Jubbaland cusub.

Tani waxay caddeyn u tahay in khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo maamulka Jubbaland uu mar kale cirka isku shareeray, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladda Kismaayo iyo guud ahaan gobolka Jubbaland ay markale galaan qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Dib U Laabasho Taariikheed

Muuqaalka hadda ka muuqda xariirka Villa Somalia iyo Jubbaland ayaa si weyn uga tarjumaya xaaladdii 2013-kii, markaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si adag uga soo horjeestay maamulka Axmed Madoobe, taasoo horseeday khilaaf siyaasadeed oo qoto dheer iyo kala qeybsanaan ka dhex dhacday dowladda dhexe iyo Jubbaland.

Markale, waxay u muuqataa in Villa Somalia ay dib ugu laabatay habkii siyaasadeed ee horey loogu dhaleeceeyay, iyada oo aan wax isbeddel ah lagu sameynin hanaankii dawlad-dhisidda iyo wada-shaqeynta maamullada dalka.

Gunaanad

Qorshaha cusub ee Villa Somalia ay ku dooneyso in Jubbaland cusub lagu dhiso, ayaa khatar ku ah xasiloonida gobolka, wuxuuna dhaawacayaa geeddi-socodka federaaleynta iyo wadajirka siyaasadeed ee dalka. Beesha caalamka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa indhaha ku haya sida ay arrintan ku dambeyn doonto, iyadoo laga cabsi qabo in ay dalka dib ugu celiso marxalado hore oo la islahaa waa laga gudbay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here