30 Siyaasiyiin ah oo ka tirsan Puntland oo Eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Deni – Iibka Dhulka Danta Guud iyo Hakaanka Mashaariicda Mudug

0
62
{"pictureId":"45952838-C2ED-4996-BC84-00E612B25432","tiktok_developers_3p_anchor_params":"{"picture_template_id":"","client_key":"aw889s25wozf8s7e","capability_name":"retouch_edit_tool","source_type":"vicut"}","data":{},"source_type":"vicut","editType":"image_edit","exportType":"image_export"}

30 siyaasi oo magac ku leh Puntland ayaa si wadajir ah u shaaciyay war-saxaafadeed culus oo ay ku eedeeyeen Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, inuu ku kacay iibin sharci-darro ah oo lagu hayo dhulal danta guud ah, iyo inuu si cad u hor istaagay mashaariic horumarineed oo laga wado gobolka Mudug.

Qoraalka siyaasiyiintu waxay ku sheegeen in iibka dhulalka uu u dhacay si aan sharci ahayn, iyadoo aan loo marin habraacyo daahfuran oo ay shacabka deegaanka ku ogaan karaan waxa socdo. Waxa kale oo ay sheegeen in dadka deegaanka aan wax xog ah laga siin dhulka la iibinayo, isla markaana aan mashaariic loogu qaban.

“Waxaan ogsoonahay in ay jiraan dhulal ay dowladda gadayso, iyada oo aan loo marin hannaan sax ah. Haddaba, waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo iibka dhulalka aan dadka gobolku xog ogaalka u ahayn waxna loogu qabanayn,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Siyaasiyiinta ayaa sidoo kale ka digay in haddii aan si degdeg ah loo joojin ficilladan, ay taasi keeni karto xasilooni darro siyaasadeed iyo kalsooni-beelid shacabka iyo maamulka Puntland dhexdooda ah.

Bayaan-kan ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay galeyso marxalad siyaasadeed oo cusub, oo ay kamid yihiin isbeddello maamulka ah iyo qorshayaal kale

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here