𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐚𝐫 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐔𝐠𝐚 𝐐𝐞𝐲𝐛 galay 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐡𝐢𝐧𝐠𝐭𝐨𝐧 𝐃𝐂.

0
23

Iyada oo uu gaba-gabo ku dhawyahay Shirka sanadlaha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige waxa uu ka qeyb galay mid ka mid ah fadhiyada loo dhanyahay ee ay shir-guddoonka ka tahay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka Kristalina Georgieva, isla markaana ay ka qeyb galeen Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo khudbad kooban ka jeediyay shirka loo dhanyahay ayaa ka hadlay saameynta isbedelka cimiladu ay ku yeesheen, dhaqalaha qaaradda Afrika, iyo sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha ka imaanaya isbedelka Cimilada.

Dhinaca kale, Wasiir Biixi iyo Wafdigiisa ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wafdigii ka socday Dowaldda UK oo shirka qayb galay, kulanka ayaana diiradda lagu saaray fursadaha maalgashi, saameynta isbeddelka cimilada iyo sidii looga soo kaban lahaa.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa sidoo kale kulan doceed la yeeshay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Lacagta Carabta (AMF) Mr. Fahad Al-Turki, waxaana ay ka wada hadleen hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha, Maalgelinta iyo Qorshayaasha Horumarineed ee Dhaqaalaha.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here