Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, H.E. Dr. Ali Haji Adam, isagoo ka jawaabaya masuuliyadda dhacdadii ka dhacday Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir, islamarkaana garwaaqsan baahida loo qabo isbeddel degdeg ah oo dhanka maamulka ah, ayaa ๐๐ฎ๐๐๐ง๐ ๐๐๐๐ข๐ซ๐ข๐ฌ๐๐ช ๐๐ก๐๐ซ๐ข๐ ๐๐ฅ๐ข ๐ฎ ๐ฆ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ฒ ๐๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ ๐ข๐ฌ๐๐ข๐ญ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ & ๐๐ก๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ ๐๐๐ง๐๐๐๐ข๐ซ.
Wasiirku wuxuu agaasimihii hore uga mahadceliyay muddadii ay haysay xilka iyo howlihii ay qabatay, isaga oo xusay in isbeddellada maamul ee socda ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo daryeelka caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale isbedel maamul lagu samayn doonaa qaybo ka mid ah isbitaalka, iyadoo shaqada laga joojinayo shaqaalihii shaqaynayay habeenkii ay dhacdadu dhacday.
Wasiirka ayaa Agaasimaha cusub faray inuu waajibaadkiisa u guto si ay ku jirto masuuliyad, hufnaan, daryeel bukaan iyo isla-xisaabtan, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar, si hooyooyinka iyo carruurta Soomaaliyeed ay u helaan adeeg caafimaad oo degdeg ah oo baniโaadannimo ku dhisan.
