𝐃𝐄𝐆 𝐃𝐄𝐆: Mucaaradka uu hoggaamiyo Sheekh Shariif oo kulan la leh Madaxweyne Xasan Sheekh Madaxtooyada

0
332

Madasha Mucaaradka Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa goordhow gaaray Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, halkaas oo uu ka furmi doono kulan siyaasadeed oo ay la yeelanayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan ayaa ujeedkiisu yahay sidii looga wada hadli lahaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafaadka ka taagan doorashooyinka, amniga, iyo isfahamka guud ee dowladda dhexe iyo mucaaradka.

Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in kulanka ay ka maqanyihiin qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, sida:

β€’ Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)

β€’ C/raxmaan C/shakuur Warsame

Lama oga sababta ay kulanka uga baaqdeen xubnahan muhiimka ah, balse ilo ku dhow Madasha waxay sheegayaan in ay jiraan kala aragti duwanaansho ku saabsan hab-maamuuska iyo ajendaha kulanka.

Kulankan ayaa imaanaya xilli siyaasadda dalka ay marayso marxalad xasaasi ah, waxaana la filayaa in war-saxaafadeed rasmi ah laga soo saaro marka uu soo gaba-gaboobo.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here