Dowladda Qatar ayaa si degdeg ah u xirtay hawadeeda, iyadoo la joojiyay dhammaan duulimaadyadii ka bixi lahaa dalkaasi, halka diyaarado kusoo jeedayna loo weeciyay garoomo kale oo ammaan ah. Tallaabadan ayaa timid kadib digniin amni oo kasoo baxday Safaaradda Mareykanka ee Doha.
Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u soo saartay farriin digniin degdeg ah oo ku socota muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan gudaha Qatar, waxaana lagu wargeliyay inay si dhaqso ah u raadsadaan goobo gabbaad ah oo ammaan ah.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Mareykanku uu ka cabsi qabo weerar suurtagal ah oo ay Iiraan ku qaadi karto Saldhigga Ciidamada Cirka ee Mareykanka ee Al-Cudeyd, kaas oo ah saldhigga ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe, kuna yaalla gudaha Qatar. Saldhiggaasi waxaa haatan ku sugan in ka badan 10,000 oo askari oo Mareykan ah.
Xaaladda ayaa aad u kacsan, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka gudaha Qatar, iyadoo indhaha caalamkuna ay kusii jeedaan isbedel kasta oo ka dhasha xiisadda ka dhex aloosan Iiraan iy