Xudur, Bakool – 22 April 2025
Waxaa maanta si rasmi ah u gaaray magaalada Xudur gaari xamuul ah oo sida badeecooyin kala duwan, taasoo noqotay dhacdo taariikhi ah oo muujineysa ifafaale horumarineed oo ku wajahan gobolka Bakool.
Tan iyo markii kooxda Al-Shabaab ay ka qaaday xanibaaddii ay saarnaayeen gaadiidka ganacsiga ee gobolka Bay iyo Bakool bilowgii bishan April, ayaa magaalada Xudur laga dareemayaa isbedel cusub. Gaadhitaanka baabuurkan badeecadaha sida ayaa muujinaya yididiilo cusub oo ku aaddan dib u furidda isku socodka ganacsi ee gobolkaas.
Dadweynaha magaalada Xudur ayaa si weyn u soo dhoweeyay imaanshaha badeecooyinkan, waxayna sheegeen in tani ay tahay talaabo horey loogu qaaday baabi’inta go’doominta dhaqaale iyo baahida nololeed ee muddada dheer saameysay noloshooda.
Rajada iyo Saameynta Dhaqaale
Ganacsatada gudaha ayaa durba bilaabay diyaar garow ay ku wajahaan fursadaha cusub ee suuqa. Waxaa la filayaa in qiimaha badeecooyinka daruuriga ah uu hoos u dhaco, isla markaana shaqo-abuur cusub ay ka dhalato magaalada.
Maamulka iyo Bulshada oo Rajeynaya Xasilooni
Inkastoo aysan weli jirin war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Bakool ama dowladda dhexe, haddana dadka deegaanka ayaa muujinaya kalsooni iyo rajo ku aaddan in gaadiid badan oo kale ay soo gaaraan Xudur, taasoo lagu xoojinayo isku xirka gobollada dalka.
Leave a Reply