Hindiya ayaa xirtay xuduudka ugu weyn ee ay la wadaagto Pakistan, waxayna eriday diblumaasiyiinta Pakistan iyada oo sidoo kale hakisay heshiis taariikhi ah oo ku salaysnaa qeybsiga biyood, kadib weerar lagu dilay 26 dalxiisayaal ah oo ka dhacay gobolka Kashmir ee ay Hindiya maamusho.
Pakistan ayaa beenisay inay ku lug leedahay weerarka, waxaana ay qaban doontaa shir amniga qaranka looga hadlayo maanta oo Khamiis ah si looga hadlo jawaab celinta tillaabooyinka ay qaaday India.
Rag hubaysan oo ka soo baxay kaymaha ayaa waxay rasaas ku fureen dad dalxiisayaal ah , waxaana weerarkani uu ka dhacay meel u dhow magaalada dalxiiska ee Pahalgam.
Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan cidda fulisay weerarkan Talaadadii ka dhacay Pahalgam.
Si kastaba ha ahaatee, warbixinnada warbaahinta qaar oo soo xiganaya ilo-wareedyo sirdoon oo heer federaal ah ayaa sheegaya in kooxda The Resistance Front (TRF), oo ah koox xiriir la leh kooxda xagjirka ah ee Pakistan ee lagu magacaabo Lashkar-e-Taiba, laga yaabo inay sheegtaan mas’uuliyadda.
Kooxda ayaa sida muuqata u soo ifbaxday sanadkii 2019, iyaga oo ku bilowday qaab garab borobogaando internet ka ka sameeya o kale ah ka hor inta aan la sheegin in ay isu rogeen shabakad xagjir ah.
Leave a Reply