Wargaadhi, Shabeellaha Dhexe – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Wargaadhi ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay saaka gudaha u galeen magaalada, dagaal kooban kadib. Inkasta oo kooxdaasi ay la wareegeen qeybo ka mid ah magaalada, haddana wararka ayaa tilmaamaya in gulufka dagaalka uusan weli si rasmi ah u dhammaanin.
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay wehlinayaan saraakiil Maraykan ah ayaa la sheegayaa in ay haatan isku urursanayaan duleedka magaalada, iyaga oo diyaar u ah in ay dib ula wareegaan gacan ku haynta magaaladaasi muhiimka ah.
Wargaadhi ayaa ah saldhig istaraatiiji ah oo laf-dhabar u ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe. Sidoo kale, waxaa halkaas horey ugu sugnaa ciidamada dowladda iyo la-taliyayaal ka tirsan militariga Mareykanka, taas oo muujineysa muhiimada ay leedahay magaaladaasi.
Xaaladda weli waa mid kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in dagaallo culus ay mar kale ka qarxaan gudaha iyo agagaarka magaalada. Dowladda ayaan weli si rasmi ah uga hadlin xaaladda rasmiga ah ee Wargaadhi, balse ilo wareedyo ku dhow furinta ayaa xaqiijinaya in diyaar garow xooggan uu socdo.
Leave a Reply