Hargeysa – Somaliland – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa si rasmi ah u guda galay fulinta mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu culcusanaa ee ololihiisa doorashada – in la askareeyo kanaafto la’aan loo baabi’iyo hubka sharci darrada ah ee ay haystaan reeraha hubeysan.
Arrintan oo si weyn loogu qiimeeyay mid ka mid ah haldoorka siyaasadda Cirro, ayaa hadda noqotay talaabo dhab ah oo la qaaday, iyadoo lagu jiro dadaal lagu sifeynayo gacanta dowladda ee dhinaca amniga.
“Haddii xukuumadda Waddani ay ku guuleysato qorshahan adag, waxay Somaliland ka badbaadin doontaa halis dhanka dawladnimada ah oo muddo dheer dul saarneyd,” ayay yiraahdeen xeel-dheerayaal siyaasadeed iyo kuwo amni.
Hubka ku jira gacanta qabaa’ilka ayaa sannado badan ahaa mid curyaamiyay awoodda dowladeed, wuxuu huriyay colaad beeleedyo soo noqnoqda, wuxuuna hoos u dhigay kalsoonida dadweynaha ee nidaamka sharciyeysan.
Xukuumadda Cirro waxay hadda waddaa qorshe qotodheer oo isugu jira wacyigelin, wada-xaajood, iyo tallaabooyin amni oo sugan, si si nabad ah loogu soo ururiyo hubka loogana dhigo gacanta dowladda.
Tani waa mid ka mid ah imtixaanada ugu culus ee horyaalla xukuumadda cusub, balse haddii lagu guuleysto, waxay noqon kartaa guul taariikhi ah oo ka dhigta Somaliland meel cusub oo nabdoon, awood leh, oo dowladnimadeedu sal adag tahay.
Leave a Reply