Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo khasaaro geystay oo saakay ka dhacay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Al-shabaab ay weerar ku qaaday deegaanka Wargaadhi oo ay saldhig ku lee yihiin cidiamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay.
Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar oo kamid ah saraakiisha hoggaamineysay howlgalka, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in jab xooggan ay dagaalka saakay ku gaarsiiyeen Al-shabaab.
Waxa uu intaas hadalkiisa ku daray Taliyaha ciidamada Qaranka, ay ku sugan yihiin deegaanka Wargaadhi, ayna kawadaan howlgalka sifeyn ah.
Abaanduulaha Geetada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Maxamed Ibraahim oo ku sugan deegaanka Wargaadhi, ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka.
Kooxda Al-shabaab, ayaa baraha ay isticmalaan ku baahiyay in ay la wareegeen maamulka deegaanka Wargaadhi, balse waxaa beeniyay taliska ciidanka xoogga oo cadeeyay in ciidamada dowladda ay gacanta ku hayaan deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Leave a Reply