Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono duqeymaha uu ku beegsanayo bartilmaameedyada Xisbullaah ee Lubnaan ilaa laga gaarayo hadafka ah in la xaqiijiyo “in dadka deggan waqooyiga Israa’iil ay si nabad ah ugu soo laabtaan guryahooda”.
“Xisbullah maanta ma aha sidii aanu naqaannay toddobaad ka hor,” ayuu yiri.
“Waxa soo gaaray dharbaaxooyin isdaba joog ah oo ku dhacay taliska iyo dagaalyahannadeeda, waa dharbaaxo daran,” ayuu raaciyay hadalkiisa.
Warka wasiirka difaaca Israa’iil ayaa imaanaya iyadoo ay soo baxayana baaqyo ka imaanaya hoggaamiyaasha caalamka oo ku aaddan in dagaalka la joojiyo.