Yahuuda oo Caasimada Lubnan ka geystay duqeymo culus

0
26

Yahuuda ayaa qaadday weeraro aan la filayn oo ay ku jihaysan caasimadda Lubnaan, iyada oo bartilmaameedsatay xarumaha kooxda Hezbollah ee taageersan Iiraan iyo keydadka hubkeeda.

Weerarradii ugu horreeyay ayaa la rumeysan yahay in lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyaha kooxda, Hassan Nasrallah, isla markaana sida oo kale la burburiyay dhismayaal ku yaalla koonfurta Beyruut.

Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay weerarka, balse weli wax war ah lagama hayo xaaladda Hassan Nasrallah.

Lamana saadaalin karo oo waa goor hore in la sheego haddii weerarkaas uu ku dhintay hoggaamiyihii kooxda, Sayid Hassan Nasrallah, sida uu sheegay sarkaal sare oo Israa’iili ah oo la hadlay warbaahinta gudaha ee dalkaas

“Waa goor hore in la sheego, laakiin waad ogtahay, waa arrin waqti uun ah. Mararka qaar way qariyaan xaqiiqda marka aan guuleysanno,” ayuu yidhi sarkaalkaas oo ka jawaabayay su’aal ahayd haddii weerarka Israa’iil ee Jimcaha ay ku dileen Nasrallah.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here