RNN Somali TV ayaa heshay xog lagu kalsoonaan karo oo muujineysa in Mahad Maxamed Salaad lagu wado in maalinta berri ah si rasmi ah dib loogu magacaabo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Mahad Salaad uu yahay musharraxa ugu cadcad xilkaas, iyadoo magacaabistiisa ay qeyb ka tahay isbeddel siyaasadeed oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya.
Mahad Salaad ayaa horey u soo qabtay xilkan, waxaana la rumeysan yahay in dib ugu soo celintiisa NISA ay tahay mid si gaar ah loola xiriirinayo xaaladda amni ee dalka iyo qorshe dib-u-habeyn ah oo dowladda Federaalka ah wado.
War rasmi ah oo arrintan lagu caddeynayo ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo maalinta berri.
RNN Somali TV ayaa si dhaw ula socota xaaladda.

