Site icon rnnsomalitv

Xildhibaan Gama’diid oo Ka Digay Fowdo Siyaasadeed iyo Faragelin Caalami ah

Screenshot

Muqdisho – Xildhibaan Gama’diid oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga digay xaalad siyaasadeed oo cakiran oo uu sheegay inay dalka ka dhalan karto haddii aan xal laga gaarin arrimaha doorashooyinka ka hor inta aan la gaarin bisha Agoosto.

Xildhibaanku wuxuu wareysi uu bixiyay ku sheegay in “fowdo siyaasadeed ay dalka ka dhici doonto” haddii aan lagu heshiin habraaca doorashooyinka, isagoo tilmaamay in waqtigu gabaabsi yahay, ayna muuqato in khilaafaadka jira aysan weli helin xalka loo baahan yahay.

“Fowdo ayaa ka dhacaysa dalkaan bisha Agosta inta aan la gaarin hadaan lagu heshiin doorashada,” ayuu yiri Xildhibaan Gama’diid, isagoo si cad u muujiyay cabsi ku aaddan mustaqbalka dhow ee Soomaaliya.

Intaa waxaa uu raaciyay in beesha caalamka ay wadaan qorshe “ay ku doonayaan in dalka gacanta loogu galiyo ururka Al-Shabaab, sidii ka dhacday dalka Afghanistan.” Hadalkan ayaa muujinaya walaac weyn oo ku saabsan sida bulshada caalamka u wajahdo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan marka laga eego dhinaca amniga iyo siyaasadda.

Xildhibaanku wuxuu ugu dambeyn ku baaqay in si degdeg ah loo bilaabo wadahadal qaran oo lagu xallinayo khilaafaadka jira, loona dhiso hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo, si looga hortago fowdo siyaasadeed iyo fursad ay ka faa’iideystaan kooxaha argagixisada ah.

Exit mobile version