Muqdisho – 6 May 2025
Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane CabdiRashiid Jiiley, ayaa si kulul u dhaliilay hab-raaca geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo matalaadda shacabka, isagoo sheegay in qorshihii doorasho ee lagu wacad furay uu si weyn uga leexday himiladii la filaayey.
Qoraal kooban oo uu xildhibaan Jiiley ku daabacay baraha bulshada ayuu ku yiri:
“Qof iyo Codkii aan loo dhameyn, waxay isu beddeshay Qof iyo Baangad!”
Qoraalkan oo si kooban u muujinaya dhaleecayn culus, ayaa si maldahan u tilmaamaya in qaabka loo wajahayo doorashooyinka dalka aysan ahayn mid u adeegaya dimuqraadiyadda iyo cadaaladda, balse ay u muuqato in loo rogayo hannaan ay ka faa’iideystaan kooxo gaar ah.
Erayga “Qof iyo Baangad” wuxuu si weyn u beddelay fariintii caanka ahayd ee “Qof iyo Cod”, taasoo ahayd ballanqaadkii loo qaaday shacabka Soomaaliyeed si ay u helaan cod doorasho oo xor ah iyo matalaad dhab ah.
Qoraalka Jiiley ayaa yimid xilli khilaafyo siyaasadeed iyo is-mariwaayo ka taagan yahay madasha wadatashiga qaran iyo habraaca doorasho ee laga doodayo.
Warbaahinta iyo bulshada rayidka ah ayaa isha ku haya hadallada siyaasiyiinta, iyadoo laga cabsi qabo in hadallo sidan oo kale ah ay muujinayaan kala shaki sii kordhaya oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah.

