Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo iskaga cararay magaalada Burco

0
201

Weriye  Cabdimaalik Muuse Coldoon, oo hadda ah samafale ka shaqeeya caawinta dadka danta yar, ayaa xalay sheegay inuu iska cararay magaalada Burco ee gobolka Togdheere ee Somaliland.

Coldoon, ayaa sheegay in helay xog ku aadan in la qorsheynayo in la xiro, balse uu habeen ka hor iskaga baxay magaalada Burco.

Tallabadan ayaa waxa ay abuurtay shaki badan oo ku aadan halka uu aaday Coldoon, maadama uu qoraalkiisa ku sheegay in tagay meel uu ku dareemayo amni.

“Waan ka tagey Burco.Xalay ayaan guure kaga baxay magaaladaydii Burco kaddib Markii aan ogaaday in la go’aamiyey in la i xidho. Hadda waxa aan ku suganahay meel aan ku dareemayo ammaan,” ayuu ku yiri Coldoon qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Qaar kamid ah dadka aragtida ka dhibaanaya qoraalka uu soo dhigay Coldoon bartiisa Facebook, ayaa ku si cad ah u dhahaya “ Ma Jilib ayaad aaday”.

Sikastaba, arrintaan ayaa daba socota markii dhowaan uu qoraalka ay soo dhigtay warbaahinta Aljazeera, oo ay kaga hadleysay Somaliland, uu faallo uu ka dhiibtay ku tilmaamay in madaxda Xukuumadda Somaliland ay  yihiin kuwa calooshood u shaqeysatayaal ah, arrintaasi oo qaar kamid ah shacabka reer Somaliland ay ka caroodeen.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here