Site icon rnnsomalitv

Wefdi u hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha oo gaaray magaalada Jowhar

Wasiirka Arrimaha Guddaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdiraxmaan Daahir Guurre (Karoore) ayaa maanta garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere waxa uu kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Guddaha Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) waxaa sidoo kale safarka ku wehlinayay Xildhibaan Maxamed Cajiib.

Wafdiga ayaa loo soo gelbiyay xarunta Madaxtooyadda Hirshabeelle waxana ay halkaasi kulan kula qaateen Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

“Wasiir Cali Xoosh, adiga iyo wafdigaaga kusoo dhawaada caasimada Dowladda Hirshabeelle ee Jowhar, mudnaan gaar ah ayay inoo tahay soo gaaristiina.”ayuu yiri wasiir Xoosh

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS iyo masuuliyiinta la socoto ayaa kulamo iyo wadatashiyo la qaadan doono muddada ay joogaan madaxda iyo shacabka Hirshabeelle.

 

Exit mobile version