Site icon rnnsomalitv

Weerar culus Koox hubeysan ku qaaden degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Waarar aya shegaay in xalay saqdii dhexe rag hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa weerar ku qaaday, iyagoo rasaas xoogan ku furay Warshaddii Birta ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhowaan ayay ahayd markii dowladda ay la wareegtay warshadii birta, waxaana ay ka rartay dadkii deganaa halkaasi.

Hubka culus ee labada dhinac ay isweydaarsanayaan ayaa si weyn looga maqlay xaafadaha , iyadoo weli aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarkaas .

Qaar ka mid ah dadka deegaanka Dayniile oo la hadlay RNN Somali Tv ayaa sheegay in cabsi ay soo wajahday, islamarkaana ay seexan waayeen rasaasta aadka u xoogan ee cirka isku shareertay.

Xaalada saaka ayaa ah mid degan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda oo ku aadan dhacdadaasi.

Exit mobile version