Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabelle, Mudane Saciid Hagar Camalow, ayaa maanta gaaray degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Soo dhoweynta Wasiirka waxaa hormuud ka ahaa Guddoomiyaha degmada, Mudane Xasan Maxamed Cabdo, oo ay weheliyeen maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Mas’uuliyiinta iyo shacabka ayaa Wasiirka ku qaabilay garoonka diyaaradaha degmada, iyaga oo muujiyay taageero iyo farxad ballaaran.
Saciid Hagar Camalow ayaa booqashadiisan shaqo ee degmada Buulobarde ku qotomisa hawlo muhiim ah oo la xiriira horumarinta waxbarashada iyo xalinta baahiyaha bulshada, isagoo qorsheynaya inuu kulamo kala duwan la yeesho maamulka, bulshada, iyo hay’adaha waxbarashada si loo sii wado dedaallada lagu kobcinayo tayada waxbarashada gobolka.
Soo dhoweyntan heerka sare ah waxay muujisay sida ay shacabka Buulobarde ugu kalsoon yihiin hoggaanka iyo juhdiga Wasiirka ee ku aaddan horumarinta adeegyada waxbarasho iyo guud ahaan bulshadeeda.
Wasiirka ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda fuliyo howlaha muhiimka ah ee uu u tagay degmada, isaga oo sidoo kale sii xoojin doona xiriirka wanaagsan ee dowladda iyo bulshada deegaanku leeyihiin.

