Site icon rnnsomalitv

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan xasaasi ah la qaatay safiirka Talyaaniga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, Mudane Pier Mario Dacco Coppi, oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan safaaradda Talyaaniga.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray adkeynta iyo horumarinta iskaashiga dhinaca difaaca iyo amniga ee labada dal, iyadoo si gaar ah la isla meel dhigay dardargelinta tababarrada iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la sii ballaariyo xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo xoogga la saarayo iskaashiga dhinaca difaaca, xoojinta awoodda ciidanka iyo la dagaallanka kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

 

Exit mobile version