Site icon rnnsomalitv

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Dhiggiisa Dalka Ciraaq

Baghdad – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Ciraaq, Mudane Thaabit Maxamed Al-Cabaasi, kadib markii uu gaaray xarunta wasaaradda ee magaalada Baghdad.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Ciraaq, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iyo dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, difaaca, tababarrada ciidamada iyo is-weydaarsiga khibradaha ciidan.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Ciraaq soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka rasmi ah, isagoo carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya dhismaha iskaashi joogto ah oo ku saleysan walaaltinimo iyo istaraatiijiyad mideysan.

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Soomaaliya ay ku raadineyso xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee la xiriira amniga iyo dhismaha awoodda ciidan ee dalka.

Exit mobile version