Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku yimid Soomaaliya.

0
51

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Mudane Abdikadir Hussein Omar ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku yimid Soomaaliya, isagoo Hawlgalka AUSSOM ku ammaanay doorka baaxadda wayn leh ee uu ku leeyahay nabadda & xasilloonida.

Wasiirka ayaa booqday Taliska Guud ee AUSSOM ee Muqdisho, halkaas oo uu warbixin ku saabsan ahdaafta hawlgalka iyo horumarka kaga dhageystay Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika Danjire Mouktar Osman Karie iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare.

Wuxuu markaas ka dib u safray magaalada Beledweyne halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen madaxda HirShabeelle iyo Taliyaha Qaybta 4-aad ee AUSSOM, Abdirahman Royale Hared. Wasiirka ayaa la kulmay madaxda maxalliga ah & kuwa AUSSOM si ay uga wada hadlaan amniga gobolka & dadaallada xasillinta.

Danjire Karie ayaa booqashada Wasiirka ku tilmaamay mid niyad-dhis ah, isagoo raaciyay in Jabuuti ay tahay saaxiib muhiim ah isla markaasna ciidan ku leh hawlgalka AUSSOM, ayna door muhiim ah ka ciyaartay xasilinta Soomaaliya.

Wasiir Omar ayaa mar kale ballanqaaday sida Jabuuti ay uga go’an tahay taageeridda nabadda Soomaaliya, isagoo nabad ilaaliyayaasha AUSSOM ku ammanay naf-hurnimadooda. “Waxaan u nimid inaan soo booqanno ciidankeenna iyo inaan indhaheenna ku aragno shaqada muhiimka ah ee AUSSOM ay qabanayso si ay bulshooyinka u ilaaliso,” ayuu yiri, isagoo gudbiyay farriin salaan ah oo uu ka siday Madaxweyne Ismail Omar guelleh iyo hoggaanka milatariga Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha Gudaha HirShabeelle, Cabdiraxmaan Daahir Guure ayaa wafdiga uga mahadceliyay booqashada, wuxuuna AUSSOM ku ammaanay wada-shaqeynta sii socoto ee uu la leeyahay ciidanka Soomaaliyeed si loola dagaallamo kooxda Al-Shabaab.

Waxaa wafdiga qeyb ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Jabuuti, Salaad Cali Jeelle, Safiirka Jabuuti u qaabbilsan Soomaaliya, Mohamed Ibrahim Yusuf, La taliye Sare, Danjire Mohamed Idriss, iyo mas’uuliyiin sarsare oo isugu jiray rayid iyo milatari.

GziegPJXYAAm1RL-300x190 Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku yimid Soomaaliya.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here