Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Munaasabad Soo-dhaweyn ah u Sameeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Dalka Ciraaq

0
15
Screenshot

Muqdisho | Abriil 2025

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa munaasabad soo-dhaweyn heer sare ah u sameeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Dowladda Ciraaq, taasoo ka dhacday Xarunta Tababarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Ciraaq, gaar ahaan dhinacyada amniga gudaha, tababarka booliska, iyo la-dagaallanka argagixisada.

Intii ay socotay booqashada, wafdiga Ciraaq ayaa warbixin ka dhegeystay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed oo ku saabsan horumarka laga sameeyey tababarka ciidanka booliska, dib-u-habaynta amniga qaranka, iyo dadaallada lagu sugayo xasilloonida dalka.

Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey booqashada wasiirka Ciraaq, isagoo xusay in ay tani ka tarjumeyso xiriir sii xoogeysanaya iyo iskaashi dhexmara labada dal ee walaalaha ah.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan, iyo marti sharaf ka socotay labada dal.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here