Site icon rnnsomalitv

Wasiir Khadiijo Al-Maqsuumi oo Soo Bandhigtay Fursad Dahabi ah oo Lagu Dhisayo Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka

Muqdisho – May 9, 2025

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiijo Al-Maqsuumi, ayaa si rasmi ah u shaacisay fursad taariikhi ah oo loogu talagalay dhismaha iyo xulista xubnaha Guddiga Qaran ee Madax-bannaan ee Xuquuqul Insaanka (GQMXI). Wasiir Khadiijo ayaa muujisay in tallaabadan ay tahay mid muhim ah oo muujinaysa sida Dowladda Federaalka uga go’an tahay ilaalinta, horumarinta iyo sugidda xuquuqda aadanaha ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waxaan si farxad leh idiinku soo bandhigayaa fursad aad kaga mid noqon kartaan Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka. Waa mas’uuliyad iyo fursad aynu wadaagno, si aynu u xaqiijino in muwaadin kasta uu dareemo in uu xaq leeyahay, isla markaana uu kaalin ku leeyahay difaaca iyo ilaalinta xuquuqdiisa,” ayay tiri Wasiir Khadiijo.

Waxay intaas ku dartay in guddigan uu noqon doono hay’ad madax-bannaan, awood leh, karti iyo aqoon ku dhisan, isla markaana loo dhisi doono si waafaqsan xeerarka dalka iyo qiyamka caalamiga ah ee lagu saleeyay mabaadi’da Paris Principles.

“Guddigan wuxuu noqon doonaa mid ka tarjuma rabitaanka bulshada Soomaaliyeed ee ku aaddan helidda hay’ad si dhab ah ugu adeegta xuquuqda dadka. Waxaan ku boorinayaa dhammaan bulsho-weynta Soomaaliyeed inay kaalin muuqata ka qaataan dhismaha iyo hirgelinta guddigan.”

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa ku howlan wacyigelin ballaaran iyo la-tashiyo bulshada dhexdeeda ah, si loo helo xubno matala dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada — haween, dhalinyaro, dadka naafada ah, iyo beelaha kala duwan ee dalka.

Exit mobile version