Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo hadda ka mid ah wafdiga Dowladda Soomaaliya ee ka qeybgalaya Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay, xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wasiirka oo wareysi siinayay Warbaahinta VOA,ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, uu soo maray wada qarrda jeex ah, islamarkaana xumeynesa derisnimada kala dhaxeeysa dowladda federaalka,lana galay heshiis sharci darrada ah Maamulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay Wasiir Fiqi.
Sidoo kale Wasiir Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in Abiy Axmed uu xasuuqayo dadkiisa,isla markaana looga baahan yahay in uu xisaabtamo,balse dhibaatiisa uusan la soo aadin Soomaaliya.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi,ayaa sheegay in aysan is qaban karin labo arrin,oo kala ah dal ciidamadeyda ay nabad galyada ilaalinayaan,hadana aan ku xad-gudbayo madaxbaanidiisa taasi waxaa haboon inuu iska saxo Abiy Axmed Ra’iisul wasaaraha Itoobiya.
Sikastaba hadalka Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, uu aad u xun yahay,isla markaana laga cabsi qabo inuu gacan ka hadal isku badalo.