Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada iyo warbaahinta qaar oo sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay tahriibeen intii ay ka qeybgalayeen Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah (ILO) ee ka dhacay magaalada Geneva, Switzerland.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu tilmaamay wararkaasi in ay yihiin been abuur iyo marin habaabin, looguna talagalay in lagu dhaawaco sumcadda mas’uuliyiinta iyo hay’adaha dowladda Federaalka.
“Mas’uuliyiinta wasaaradda iyo xubnaha kale ee matalayey Soomaaliya waxay si sharaf leh uga qeyb galeen shirkii ILO, waxayna ku soo laabteen dalka iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaran,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Wasaaraddu waxay bulshada Soomaaliyeed iyo warbaahinta ka codsatay in aysan rumaysan wararka aan laga helin ilo rasmi ah, isla markaana laga feejignaado wararka been-abuurka ah ee dhaawacaya hay’adaha dowladda.
Arrintan ayaa imaneysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto horumarinta shaqo-abuurka iyo difaaca xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed iyadoo wada-shaqeyn la leh hay’adaha caalamiga ah sida ILO.

