Warbixin: Soomaaliya oo qayb ka noqotay isbahaysiga ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen

0
7

Muqdisho – Tallaabada ay dowladda Soomaaliya ku biirtay isbaheysiga caalamiga ah ee la dagaallamaya kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta Yemen ayaa noqotay mid mudan bogaadin, sida uu sheegay Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare Cali), guddoomiyihii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir.

Cali Yare ayaa sheegay in kooxda Xuutiyiintu xiriir dhow la leeyihiin ururka Shiicada ee Iiraan, isla markaana ay taageero farsamo iyo mid hub u fidiyeen kooxda Al-Shabaab ee ka howlgasha Soomaaliya. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Xuutiyiintu u direen Al-Shabaab injineerro khibrad u leh dhismaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), sidoo kalena ay lix jeer taageero militari u soo mariyeen waddamada gobolka.

“Waa tallaabo la tixgelin karo in dowladda Soomaaliya ay si geesinimo leh uga qayb qaadato dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo kooxaha khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Cali Yare.

Dhanka kale, wuxuu muujiyay walaac uu ka qabo dad Soomaaliyeed oo ku jahwareersan xiriirka Xuutiyiinta iyo falalka ay ku taageeraan kooxaha argagixisada, iyaga oo ku marmarsiyoonaya in Xuutiyiintu taageerayaan Falastiin. Cali Yare ayaa xusay in aysan jirin wax xiriir toos ah oo dagaal ah oo ka dhexeeya Israa’iil iyo Xuutiyiinta, balse ay jirto istiraatiijiyad siyaasadeed oo ay hoggaamineyso Iiraan.

Wuxuu sidoo kale muujiyay muhiimadda ay leedahay in la kala saaro diinta Islaamka iyo siyaasadda Carabta, isaga oo xusay oraahda caanka ah ee Sheekh Mustafa Ismaaciil Haaruun: “Rabiggaaga Af Soomaali ayaad ku caabudi kartaa, luuqad kastana waad ku baryi kartaa.”

Ugu dambayn, Cali Yare wuxuu xusay in kooxda Xuutiyiintu yihiin wakiillo u adeega danaha Iiraan, isla markaana ay yihiin kuwa siiya hubka kiimikada ah ee lagu beegsado dadka Soomaaliyeed. Wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka inay hesho taageero milatari oo dhab ah si ay isaga difaacdo khatarta uga iman karta jihadaas.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here