Muqdisho – Taliyaha qeybta galbeed ee amniga caasimadda, Korneel Maxamed Cabdulqaadir Maxamed (Shakiib), ayaa xilka laga qaaday, iyadoo lagu beddelay dable darawal ah, sida ay ilo wareedyo amni xaqiijiyeen.
Korneel Shakiib, oo muddo dheer kaalin weyn ka qaatay sugidda amniga Muqdisho, gaar ahaan dhanka galbeed, ayaa xilka laga qaaday kaddib amar ka soo baxay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Lama shaacin sababta rasmiga ah ee xil ka qaadista, hase yeeshee tallaabadan ayaa loo arkaa mid ka mid ah isbeddellada lagu sameynayo hoggaanka hay’adaha amniga si loo xoojiyo la dagaallanka khataraha amni ee caasimadda.
Korneel Shakiib ayaa caan ku ahaa howlgallo ballaaran oo lagu sugayay xasilloonida xaafadaha muhiimka ah ee Muqdisho, waxaana la tilmaamay inuu lahaa khibrad amni oo sare.
Illaa iyo hadda ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska NISA ama Wasaaradda Amniga oo ku saabsan magacaabista dable darawalka beddelay Shakiib, taasoo dad badan ku dhalisay su’aalo la xiriira tayada iyo habraaca magacaabista saraakiisha amni.

