Xaaladda Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo, ayaa kacsan kaddib markii saakay rag hubeysan ay dileen Ugaas caan ka ah Magaalada Luuq ee Gedo.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya falka dilka ah,iyada oo ay baxsadeen raggii dilka Ugaaska dambeeyay.
Alle hau naxariiste, Ugaaska la dilay oo lagu magacaabi jiray Aadan isaaq Yarow, ayaa ahaa Ugaaska guud ee Beesha Macalin Weyne, oo kamid ah beelaha soomaaliyeed isla markaana degga Degmada Luuq, iyada deeggaanada kala ee Gobolka Gedo.
Wararkii ugu dambeeyay aynu ka heleyno Degmada, ayaa sheegaya in ay xaalada tahay mid kacsan, isla markaana ciidanka ammaanka ay bandow ku soo rogeen degmada, iyada goobihii waxbarashada la xiray, waxaana ay xaaladda u muuqata mid culus.
Sikastaba ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada dilka Ugaaska, balse arrintaani ayaa ku soo adeysa xili dhowaan gudaha degmada Luuq, ay ku dagalameen labbo beelood oo wada degga degmadaasi.
Wixii ku soo kordho warka halkan kala soco rnnsomalitv.com