Wararkii ugu dambeeyay dagaal xooggan oo xalay ka dhacay Muqdisho

0
39

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xalay saqdii dhexe ka dhacay Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

Weerarka ayaa yimid ka gadaal markii xubno katirsan AS, ay dagaal toos ah ku qadeen farriismo ciidanka dowladda ay ku lee yihiin barta kala qeybisa degmooyinka Kaxda iyo Dharkenley ee Magaalada Muqdisho.

Goob jogayaal kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaalka uu ahaa mid xooggan,isla markaana labada dhinac ay isku adeegsanayeen hub culus,balse aysan ogeyn khasaaraha soo kala gaaray inta uu la egyahay.

Dagaalka oo inta badan laga maqlayo degmooyin kamid ah Magaalada Muqdisho,ayaan ilaa iyo hadda laamaha amniga ee dowladda aysan faah faahin ka bixin khasaaraha soo gaaray dadka shacabka iyo dhinacyada dagaalamayay.

Amniga Magaalada Muqdisho,ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa uu ahaa mid soo hagaayay balse weerarkii xalay ka dhacay Muqdisho,ayaa waji kale u yeelaya amni darrada caasimada oo ay ka howlgalaan ciidamo fara badan oo dowladda ka tirsan.

Kooxda ‘AS’ ayaa ku baahiyay baraha ay Internet-ka ku lee yihiin, in ay ka dambeyeen weerarkii xalay ka dhacay muqdisho,oo ay ku qadeen farriismo ay ku sugnayeen ciidanka dowladda,isla markaan ay khasaaro u geysteen sida ay hadalka u dhigeen Kooxda.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here