Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Janaay Cabdalla ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in uu halkaas saakay ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka oo garab ka helaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbalnad & ‘AS’.
Dagaalka oo xooggiisa ka dhacay tuulooyin hoostaga Janaay Cabdalla waxa uu ku billowday hubka culus ee garbaha laga tuuro waxaana muddo kooban gudahood is qabsatay dhaqaqa rasaasta qoryaha fudfudud sida aan kasoo xigan ilo deegaanka katirsan.
Sidoo kale Deegaanka Janaay Cabdalla oo maalmihii lasoo dhaafay dhaqdhaqaaq ciidan ay ka wadeen Ciidamada Federaalka oo garab ka helaya Daraawishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa gaaray tuulooyin dhowr ah oo saldhigyo ay ka dhigteen.
Saraakiil uu kamid yahay Taliyaha ugu sarreeya Ciidanka Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland Gen. Saxardiid ayaa gaaray qaar kamid ah Deegaannadii ugu dambeeyay ee ciidamada isku dhafan ay gacanta ku dhigeen.
Weli ma jiro war kasoo baxay dhinacyada dagaalamay oo lagu faah-faahiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka saakay ka dhacay Gobolka Jubada Hoose Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Mustaqbal oo la xiriirtay saraakiil kala duwan balse way ka gaabsadeen.