Site icon rnnsomalitv

War Degdeg ah: Taliyihii Guutada 26aad ee Gobolka Hiiraan oo lagu dilay gudaha ciidankiisa

Baladweyne – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan Xujaale, oo ahaa taliyaha guutada 26aad ee ka howlgasha gobolkaas, uu si lama filaan ah u dilay askari ka tirsan ciidankiisa.

Ilo xog-ogaal ah ayaa RNN Somali TV u xaqiijiyey in marxuumka lagu toogtay qori nooca dhashiikaha ah, taasoo sababtay dhaawac culus oo sababay dhimashadiisa isla goobtii lagu weeraray.

Dhammaan askarta loo tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen falka dilka ah ayaa lagu waramayaa in hadda gacanta lagu hayo, waxaana socda baaritaano ay wadaan hay’adaha ammaanka si loo caddeeyo sababta rasmiga ah ee keentay falkaasi.

Ilaa hadda lama hayo war faahfaahsan oo rasmi ah oo ku saabsan sababta ay askartu u fuliyeen weerarka, waxaana la sugayaa warbixin rasmi ah oo kasoo baxda taliska ciidamada ama maamulka gobolka Hiiraan.

Exit mobile version