Qaahira, May 10, 2025 – Warar degdeg ah oo naga soo gaaraya dalka Masar ayaa xaqiijinaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Amiir, lagu xayiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Qaahira kadib markii lagu qabtay fiisayaal aan sharci ahayn.
Guddoomiye Amiir iyo rag kale oo la socday ayaa la sheegay in ay ku wajahnaayeen dalka Masar, balse ay wateen dal-ku-gal been abuur ah ama aysan u dhammeyn shuruudihii fiisaha saxda ahaa. Ilaa hadda ma cadda haddii ay si toos ah ugu socdeen safar rasmi ah oo dowladeed ama mid gaar ah.
Mas’uulkan oo lagu waday inuu matalo shacabka Gobolka Banaadir loona baahnaa inuu wax ka qabto caqabadaha hor taagan gobolka, ayaa hadda isagu noqday mid u baahan sharciyad uu kaga baxo xaaladda uu ku jiro.
Weli wax war ah kama soo bixin safaaradda Soomaaliya ee Qaahira ama dowladda Federaalka ee Soomaaliya, hase yeeshee wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in arrintan ay keeni karto sumcad-darro siyaasadeed iyo xiriir diblomaasiyadeed oo xumaada.

