Sunday, February 23, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYWar cusub oo kasoo kordhay xildhibaan Maxamed Abiib oo weli ku xiran...

War cusub oo kasoo kordhay xildhibaan Maxamed Abiib oo weli ku xiran Magaalada Hargeysa

Gudigga xuquuqul insaanka ee Somaliland ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen xarigga xildhibaan Maxamed Abiib oo muddo labo toddobaad ah ku xiran xabsiga Mandheera ee magaalada Hargeysa.

Guddiga oo booqday xildhibaanka ayaa waxay sheegeen in lagu xadgudbay xasaanaddii xildhibaannku lahaa oo aan la dhowrin.

waxaay dowladda ugu baaqeen in xidhibaanka uu helo xuquuqdiisa dhanka cadaaladda.

Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in sii xirnaashaha xildhibaanku ay walaac hor leh keeneyso

Guddiga xuquuqul insaanka ayaa waxa ay soo jeedinayaan in sida ugu dhaqsaha badan uu u helo xuquuqdiisa cadaaladeed.

Ilo wareedyo ayaa inoo sheegay in qoyska xildhibaanka, gaar ahaan hoyadii loo ogolaaday in ay booqato,isla markaana xaaladiisa ay wanaagsan tahay.

Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa dhankiisa sheegay in wax dhibaato ah uusan qabin ama aan loo geysan intii uu xirnaa.

Xildhibaan oo weli ku xiran Hageysa ayaan maxkamad lasoo taagin iyada oo guddigu ay sheegeen in aan la tixgelin xildhibaanka maadama uu xasaanad leeyahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments