Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa maanta martigelinaysa doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, iyadoo tartanka ay ka qaybgalayaan musharrixiin rasmi ah oo loo oggolaaday inay u istaagaan xilalkaas.
Musharrixiinta u taagan xilka madaxweynenimo waa shan, kuwaas oo kala ah: Cabdqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), Jamaal Maxamed Xasan, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Rashiid Faarax Maxamuud iyo Maxamuud Yuusuf Xasan.
Dhanka kale, shan musharax ayaa u sharaxan xilka madaxweyne ku-xigeen, kuwaas oo kala ah: Cumar Daahir Xasan, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), Cabdirisaaq Maxamed Jaamac, Cabdisataar Sheekh Cismaan Cumar iyo Maxamed Cabdi Bullaale.
Si loo hubiyo amniga iyo kala dambeynta doorashada, habeenimadii xalay waxaa magaalada lagu soo rogay bandow, iyadoo laga mamnuucay socodka dadka iyo gaadiidka aan fasaxa haysan, marka laga reebo kuwa musharixiinta iyo masuuliyiinta loo oggolaaday.
RNN Somali TV waxay si dhow ula soconeysaa dooroshadani, waxaana dib idinkugu soo gudbin doonnaa wixii warar ah ee kusoo kordha.