Wafdi Sare oo Ka Socda Ciidanka Masar oo La Kulmay Hoggaanka AUSSOM iyo Taliska Qaranka Soomaaliyeed.

0
63

Wafdi 16-xubnood ka kooban oo ka tirsan Ciidanka Masar ayaa Muqdisho u yimid hawlgal u kuurgalis ah ka hor inta aysan Masar guuto milatari ku biirin Hawlgalka AUSSOM.

Wafdiga oo uu hoggaaminayay S/Gaas Islam Radwan waxaa soo dhaweeyey saraakiil ka tirsan AUSSOM & Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Waxay markaas ka dib la kulmeen madaxda AUSSOM, oo uu hoggaaminayay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyagoo ka qeybgalay xog-warran amni oo ka dhacay Taliska Guud ee Ciidanka AUSSOM.

Wafdiga ayaa sidoo kale kormeeri doono xarumo muhiim ah oo dejinta iyo saadka ciidanka Masar qaabblsan kuwaas oo ku kala yaallo Muqdisho iyo goobaha hawlgalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here