Wadahadaladii Kismaayo Oo Natiijo La’aan Ku Dhammaaday; Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tagay

0
5

Kismaayo, Soomaaliya — Wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow ka soo ambabaxay magaalada Kismaayo, iyadoo uu kasoo sagootiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wadahadaladii oo tan iyo xalay socday ayaa ku dhammaaday iyagoo aan wax heshiis ah la gaarin, iyadoo labada dhinac ay ku adkeysteen mowqifyadooda, taasoo keentay in la gaadho xaalad isku dhac ah.

Inkastoo wadahadaladu hakad galeen, ilo wareedyo ayaa sheegaya in si looga fogaado burburka guud ee wadahadalka, labada dhinac ay isla garteen in la soo saaro war murtiyeed wadajir ah oo looga hortagayo burburka wadahadalka. War murtiyeedkaasi ayaa sidoo kale xaqiijiyay in wadahadaladu ay mar kale sii socon doonaan wakhti dambe.

Madaxtoyadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in safarkiisii Kismaayo uu soo gabagaboobay, isla markaana lagu wado in kulan kale uu dhex maro Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmed Madoobe si loo sii wado habka wadahadalka.

Wadahadalladan ayaa loo arkaa inay yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan gobolka Jubbaland iyo sidii loo heli lahaa xasilooni qaran.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here