Muqdisho – Waxaa si rasmi ah u bilaabmay wadahadallo hordhac ah oo u dhexeeya Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaanno mucaarad ah, kuwaas oo isugu yimid si loo xalliyo khilaafaadka ka dhex aloosnaa labada dhinac.
Kulanka oo dhacay galinkii hore ee maanta ayaa waxaa ka qaybgalay ergo kasocota Guddoonka Baarlamaanka iyo guddi matalaya xildhibaanada mucaaradka, waxaana laga gaaray is-afgarad ku saabsan laba qodob oo muhiim ah:
1. In fadhigii baarlamaanka ee maanta la qabsoomi lahaa dib loo dhigo.
2. In Guddoonka uu ka laabto xanibaaddii uu horey ugu soo rogay qaar ka mid ah xildhibaannada, taasoo horay looga mamnuucay ka qaybgalka fadhiyada.
Qodobka koowaad ayaa durba la fuliyey, iyadoo fadhigii maanta uu si rasmi ah u baaqday. Hase yeeshee, qodobka labaad — ee ku saabsan ka noqoshada warqadda xanibaadda — ayaa weli laga sugayaa in Guddoonku ka jawaabo.
Wadahadalladan ayaa loo arkaa tallaabo dhanka nabadda iyo wadashaqeynta u jiheysan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda laga hadlo arrimaha kale ee khilaafka keenay si xal waara loo gaaro.
RNN Somali TV waxay si dhow u la socon doontaa horumarka wadahadalladan iyo waxyaabaha kasoo baxa.

