Turkiga oo Ciidamo Cusub Keenay Soomaaliya – 500 Askari oo Gaaray Muqdisho

0
27

Muqdisho, 20-ka Abriil 2025 – Dowladda Turkiga ayaa maanta Soomaaliya soo gaarsiisay ciidamo lug ah oo gaaraya 500 (shan boqol) oo askari, kuwaasoo dalka kusoo galay labo diyaaradood oo militari, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo amni.

 

Ciidamadan cusub ayaa la sheegay inay qayb ka yihiin iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo loo qorsheeyay in ay ka dagaalamaan labada Shabelle (Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe), iyo aagag kale oo muhiim ah oo lagu tilmaamay inay ka jiraan halisyo amni.

 

Saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa garoonka ku soo dhaweeyay ciidamada, kuwaasoo durbadiiba loo qaaday xarumo ciidan oo hore loogu diyaariyay.

 

Turkiga ayaa horey ugu lahaa Soomaaliya saldhig weyn oo tababar iyo taageero militari ah, wuxuuna xiriirka labada dal gaaray heer istiraatiiji ah, iyadoo ciidamada Turkiga ay qayb libaax ka qaataan tababarka, qalabeynta iyo la-tashiyada ciidamada Soomaaliya.

 

Lama shaacin halka saxda ah ee ciidamadaan lagu daadgureyn doono, balse ilo-wareedyo ayaa sheegay inay si gaar ah u sugi doonaan deegaannada dhowaan laga saaray Al-Shabaab iyo goobo kale oo muhiim u ah sugidda xasilloonida dalka.

___________

RNN Somali TV

Wixii faahfaahin ah kala soco wararkeena xiga.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here