Site icon rnnsomalitv

Trump oo sheegay in xabbad-joojinta Qasa ay soo dhowdahay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shalay sheegay in xabbad-joojin laga gaaro Qasa ay aad u dhowdahay.

“Aad ayay ugu dhow yihiin inay xabbad-joojin gaaraan,” ayuu yiri Trump mar uu qabanayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Oval Office, isagoo intaa raaciyay, “Waanu idinla socodsiin doonnaa wixii kasoo kordha berri (Sabtida). Waxaan fursad u heysannaa gaaridda heshiis.” Ayuu yiri.

Mareykanka ayaa soo jeedinta heshiiska u gudbiyay Xamaas.

Soo jeedinta ayaa markii hore waxaa aqbalay raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Xamaas ayaase dhankeeda sheegtay inay la tashi dhexdooda ah sameyneyso.

Exit mobile version