Washington | May 7, 2025 – Madaxweyne hore ee Mareykanka Donald J. Trump ayaa si lama filaan ah uga hadlay xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Xuutiyiinta Yemen, isagoo si cad u muujiyay in heshiis laga gaaray weerarada ka dhanka ah maraakiibta Mareykanka.
Trump oo ka qeybgalayay shir jaraa’id ayaa si kooban u sheegay in “Yemen ay oggolaatay inaysan weerarin maraakiibta Mareykanka, anaguna wax weerar ah kama qaadi doonno dhankeenna.” Hadalkaas ayuu ku muujiyay isagoo madaxa ruxaya, kuna daray erey si xooggan loo xasuustay: “Aagaasna waa soo xirnay!”
Markii la weydiiyay su’aal muhiim ah oo ahayd: “Maxaad ka qabtaan haddii Yemen ay weerarto Israel?” Trump wuxuu si kooban uga jawaabay: “OK!?” — jawaab su’aal ka dhigtay mowduuc qaran iyo mid caalami ah, waxaana loo fasiray in Mareykanku aanu faragelin doonin haddii Xuutiyiintu Israel beegsadaan.
Dhanka kale, kooxda Xuutiyiinta Yemen oo ay Iran taageerto, ayaa qaaday weeraro ballaaran. Wararku waxay sheegayaan in gantaal casri ah lagu dhuftay Garoonka Diyaaradaha ee Tel Aviv, iyadoo sidoo kale la xaqiijiyay in Xuutiyiintu duqeeyeen maraakiib Mareykanka leeyahay oo marayay Gacanka Cadmeed.
Weerarkan ayaa imaanaya xilli xiisadda gobolka ay cirka isku sii shareerayso, waxaana mowqifka Trump uu abuuray hadal heyn weyn oo caalami ah.

