Waxaa Maanta Magaalada Raaskambooni ee katirsan Gobolka Jubbada Hoose soo gaaray ilaa iyo afar doon oo sida ciidan badan oo kasoo goostay Jubbaland,isla markaana ku soo biiray Ciidanka Dowladda ee ku sugan Magaaladaasi, waxaana loo sameeyay soo dhaweyn ballaaran.
Ilaa iyo afar Doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka geesiyaasha ah ee Qaranka qaybtooda Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan Raaskambooni, kuwaas oo isku diyaarinaya in cadowga Khawaarijta ah ka xoreeyaan deegaannada ay ka joogaan Jubbaland”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sarkaal u hadlay Ciidanka,kana mid ahaa saraakiisha hoggaamineysay ciidanka Jubbaland ka tirsanaa ee kusoo biiray ciidamada dowladda Fedaraalka, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la shaqeeyo ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.
“Anigu wax dowladd ah horay uma soo arkin tii Siyaad barana sooma gaarin waana ku faraxsanahay inaan hada dowlada dadaalkeeda uu nasoo gaaray, u jeedkeenu mahan inan nambar iyo xuquuq kale helno waa inaan dowladnimada garab istaagno oo aan si wadajir ah cadawga uga xureyo guud ahaan dalka” ayuu yiri Sarkaal u hadlay ciidanka Jubbaland ee ku biiray kuwa dowladda Fedaraalka.
Sikastaba labadii todobaad ee lasoo dhaafay, ayay aheyd markii Ciidamo badan oo kasoo goostay Jubbaland ay ku biireen Ciidanka Xoogga Dalka, iyada oo qaar kamid ah Ciidamadii kasoo goostay Jubbaland la keenay Muqdisho, si loo qarameeyo.

