Janaraal AUN Cali Xaashi Cilmi Barre wuxuu kamid ahaa saraakiishii ugu taariikhda dheeraa ee dalka, isagoo xilligiisii da’da yaraa ku biiray ciidamada Soomaaliyeed. Intii u dhaxaysay 1935-1937, wuxuu kamid ahaa ciidankii Soomaaliyeed ee Talyaanigu u adeegsaday duullaankii Itoobiya.
Tallaabooyinka uu qaaday:
• 1939: Waxaa loo dalacsiiyay darajada Spetore Marshal.
• 1940: Waxaa noqday Xidigle.
• 1950: Wuxuu helay xiddigtii labaad.
• 1940-1945: Waxaa waxbarasho ciidan loogu qaaday dalka Talyaaniga.
• 1955-1957: Taliyaha Booliska ee Jubadda Hoose.
• 1957-1967: Taliyaha qeybta Booliska ee gobollada Baay iyo Bakool.
• 1960: Ku biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya markii la aas-aasay.
• 1964: Ka qaybqaatay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna gaaray darajada Gaashaale Sare (Kornayl).
• 1967: Waxaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya. Markaas ciidamada badda waxay lahaayeen 40 askari oo kaliya, balse wuxuu dhisay ciidan xoog leh oo haysta doonyo iyo laba markab dagaal.
• 1969: Loo dalacsiiyay Sareeyo Guuto ee Ciidamada Badda.
• 1972-1987: Guddoomiyaha dekedaha Soomaaliya. Inta uu xilka hayay waxaa lagu xasuustaa dhismaha Dugsiga Badda iyo Dekedda weyn ee Muqdisho.
• 1987: Shaqada ayuu ka fariistay sababo caafimaad awgood.
• 1996: Wuxuu ku geeriyooday magaalada Nairobi, 1-da Agoosto.
Muranka dhulka:
Dhulkan taariikhiga ah ee uu lahaa Janan Cali Xaashi – oo ay kujireen xasuuso facweyn oo qarannimo – ayaa maanta dowlad Soomaaliyeed si rasmi ah ugu wareejisay ganacsato, taasoo abuurtay dareen muran iyo walaac leh oo ku saabsan ilaalinta hantida dadkii dalkooda u soo halgamay.
